7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 12, 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh oo guddoomiyay shirka amniga Soomaaliya oo ka dhacay New York
 

Talaado, December, 12, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa magaalada New York ku guddoomiyey Shirka Amniga Soomaaliya oo lagu muujiyey muhiimadda uu gobolka u leedahay  amniga Soomaaliya.

Sida lagu sheegay war saxaaafadeed kasoo baxay madaxtooyada, Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa shirkaan ku soo bandhigay qorsheyaasha ka hirgalay dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta Alshabaab, muhiimadda iskaashiga amniga ee heer qaaraadadeed iyo heer caalami, bixitaanka ciidamada ATMIS iyo xasilinta siyaasadeed ee Soomaaliya.

“Dhimista tirada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya oo haatan socota waxay caddeyn u tahay horumarka aan ka sameynay qorshaha xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo leh hay'ado amni oo si buuxda ula wareega mas'uuliyadda sugidda amniga dalka." Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey dalalka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee taageeray in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, haatanna ku garab taagan cafinta deynta iyo dhismaha Ciidamada Qalabka Sida.

Shirkan waxaa ka soo qeyb-galay dalalka, Maraykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar, Imaaraatka, Sucuudiga, Shiinaha, Jabbaan, Hindiya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Talyaaniga, Jarmalka, Faransiiska, Sweden, Netherlands, Finland, Spain, Norway, Midowyada Carabta, Midowga Afrika iyo Yurub.

Shirkaan ayaa kusoo beegmay, iyadoo maalin ka dib lagu wado in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay, taasoo noqon doonta guushii labaad oo taariikhihi oo ay Soomaaliya ku gaarto muddo kooban gudaheed.

Soomaaliya ayaa dhawaan laga qaaday cunaqabatayntii hubka ee saarnayd muddo ka badan 30 sano, taasoo caqabad weyn ku ahayd dib u dhiska ciidanka qalabka sida Soomaaliya.