7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 12, 2023
Rag ku eedeysan dilka Dhaqtar iyo Macalin Dugsi Quraan Walaalo ahaa oo gacanta lagu soo dhigay
 

Talaado, December, 12, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda ayaa maanta gacanta kusoo dhigay 4 ruux oo ku eedeysan iney ka dambeeyeen dilka laba nin oo walaalo ahaa oo laba maalin ka hor lagu dilay gobolka Galgaduud.

Ragaan eedeysanayaasha ah ayaa maanta lagu qabtay deegaanka Cadalle oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo ku eedeysan dilka Dhaqtar iyo Macalin Dugsi Quraan walaalo ahaa.

Eedeysanayaasha ayaa gacanta lagu soo dhigay iyagoo dhuumaaleysanaya oo sida la sheegay kusii jeeday magaalada Muqdisho oo ay u baxsanayeen.

Xogta eedeysanayaashaan gacanta lagu soo dhigay ayaa waxaa helay ciidanka Nabadsugida oo lasii wadaagay xogta laamaha kale ee hay'addaha dowladda, sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in afartaan ruux ee ku eedeysan dilka labada nin ee walaalaha ahaa in lagu Maxkamadeyn doono magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud.