7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 12, 2023
Madaxweyne Deni oo magacaabay guddiga ansixinta baarlamaanka iyo xallinta khilaafaadka
 

Talaado, December, 12, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka baarlamaanka, sida lagu caddeeyay wareegto goor dhowayd kasoo baxday aqalka madaxtooyada Puntland.

Guddigan oo ka kooban siddeed xubnood ayuu madaxweyne Deni ku sheegay inuu kusoo xushay aqoontooda, waayo aragnimadooda, iyo baahida loo qabo in waqtigaan la magacaabo guddigan, iyadoo doorashada guddoonka baarlamaanka iyo madaxtooyadu ka harsan yihiin muddo kooban.

Wareegtada kasoo baxday madaxtooyada ee lagusoo magacaabay guddigan, kama muuqato inuu madaxweyne Deni kala tashaday madaxweyne ku xigeenkiisa Axmed Karaash oo la ogyahay inuu khilaaf kala dhaxeeyo

Khilaafkooda ayaa laga yaabaa inuu horseedo in madaxweyne ku xigeenku ka hor yimaado guddiga la magacaabay ama uu soo saaro guddi kale oo taageero ka haysta dhinaca mucaaradka.

Waa kuwan magacyada xubnaha la magacaabay.

1. Isxaaq Axmed Xasan (Guddoomiye )

2. Siciid Xirsi Bulxan (Xubin)

3. Cabdi Cabdullaahi Xaashi (Goley) (Xubin )

4. Cabdirashiid Saleebaan Geelle (Xubin )

5. Faarax Cabdi Dhalac (Xubin)

6. Nabadoon. Maxamuud Maxamed Axmed (Xubin)

7. Axmed Cabdi Cali (Xubin)

8. Yuusuf Suudi Cabdi (Xoghayn)