7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 12, 2023
Soomaaliya oo la filayo in todobaadkan laga cafiyo deymaha lagu leeyahay
 

Talaado, December, 12, 2023 (HOL) - Soomaaliya ayaa la filayaa in todobaadkan laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

Waxay noqon doontaa tallaabo taariikhi ah oo Soomaaliya u ogolaan doonta inay dib ugu biirto nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah ka dib ku dhawaad 30 sano.

Golaha sare ee Bangiga Adduunka ayaa la filayaa in maalinta Talaadada ama Arbcada ay ansixiyaan barta ugu dambeysa ee dayn cafinta Soomaaliya, sida aan kasoo xiganay xubno katirsan guddiga sare ee IMF.

Ansixintaas ka dib “Soomaaliya waxay heli doontaa deyn cafis weyn taasoo hoos u dhigi doonta deymaha dibedda looga leeyahay oo gaarayay in ka badan 4 bilyan oo dollar.

Horaantii bishaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ka qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarneyd muddo 30 sano ah.