7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 12, 2023
Shacabka Turkiga oo dalbaday in caddaaladda la horkeeno wiilka madaxweynaha Soomaaliya
 

Talaado, December, 12, 2023 (HOL) - Dowladda Turkiga ayaa wajaheysa cadaadis xooggan oo kaga imaanaya shacabka dalkeeda, kuwaas oo dalbanaya in caddaaladda la horkeeno wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya, kaasoo la sheegay inuu ka soo baxsaday Turkiga kaddib markii uu shil baabuur oo khasaare geystay ka geystay magaalada Istanbul.

Yunus Emre Gocer, oo ahaa darawal mooto, ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray,  markii uu jiiray gaari uu watay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, xilli uu marayay waddo mashquul badan oo ku taalla Istanbul.

Daraasiin dad ah, oo ay ku jiraan kooxaha mootooyinka ka shaqeeya, ayaa mudaaharaad ka dhigay Istanbul iyagoo dalbanaya in wiilka madaxweynaha Soomaaliya uu wajaho maxkamadeynta dilka Gocer.

Ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan halka uu ku sugan yahay wiilka madaxweynaha, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Soomaaliya oo ku aadan dhacdadan.

Isniintii, diblumaasi Soomaali ah oo ku sugan Turkiga ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in wiilka madaxweynaha uu u safray Dubai, wax yar kadib markii uu dhibbanaha ku dhaawacmay shilka uu geeyay isbitaalka.

Dublamaasiga oo codsaday in aan magaciisa la sheegin, ayaa walaac ka muujiyay in shilkaas dhimashada sababay uu waxyeeleeyo xiriirka kala dhaxeeya Turkiga, islamarkaana uu saameyn xun ku yeesho Soomaalida ku nool Turkiga.

"Waxaa laga yaabaa in cawaaqib xumo ay ka dhalan karto bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Turkiga iyo xubnaha ganacsatada Soomaaliyeed," ayuu yiri. “Cabsida ayaa ah in haddii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku guuldareysto inuu wiilkiisa dib ugu celiyo Turkiga si uu u wajaho caddaaladda, taasi waxay xumeyn kartaa xiriirka labada dal.”