7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 12, 2023
Shir looga hadlaayo Amniga Soomaaliya oo ka furmaya Xarunta Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay


Talaado, December, 12, 2023 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta shir ku qabanaysa xarunta Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey, kaasoo ku saabsan amniga Soomaaliya, dib u dhiska ciidamada iyo howlgallada dalka looga xureynayo kooxda Al-shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Maraykanka si uu u guddoomiyo Shirkan oo lagu wado inuu furmo saacadaha soo socda.

Madaxtooyada Soomaaliya oo shaacisay Ajandayaasha shirkaan looga hadlaayo ayaa waxaa ka mid ah, Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya, Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya, Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika, waxaana shirkaan uu kusoo beegmaya iyadoo dhawaan Soomaaliya laga qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarneyd mudo ka badan 30 sano.

Si kastaba ha ahaate dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda guul kale oo muhiim ah ay ka gaarto deyn Cafinta.