7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 8 , 2023
Puntland oo ku eedeysay dowladda federalka in ay hub ku iibsatay dhaqaalihii loogu talo galay mashaariicda dalka

Talaado, Agoosto, 8, 2023 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Dowladda federaalka Soomaaliya in ay isbaaro siyaasadeed u dhigatay mashaariicda horumarineed iyo deeqaha caalamiga ah ee magaca Soomaaliyeed lagu bixiyo.

Wasiirka maaaliyadda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa hadalkaan ka sheegay magaalada Garowe, wax yar kaddib markii golaha wasiirrada Puntland ay ku dhawaaqeen golaha horumarinta dhaqaalaha Puntland.   

Wasiir Maxamed Dhabancad waxa uu ku eedeeyay Dowladda federalka Soomaaliya, in ay hub ku iibsanayo dhaqaalaha loogu talo galay in ummadda Soomaaliyeed wax loogu qabto.

“Meeshii la rabay Dowladda federalku in ay noqoto hannaan wax fududaynaya, waxaa muuqata inay caqabado ka imaanayaan. Taasna waxay dhibaato ku tahay dowlad goboleedyada, kuwaas oo 90% gacanta ku haya masuuliyada dowliga ah ee adeeg bixinta,” ayuu yiri wasiir Dhabancad.

Wasiirka maaliyadda Puntland wuxuu kaloo sheegay, Dowladda federalka inay mashaariicda siiso hay’addo aan la aqoon. Arrinataas oo uu sheegay in ay keenayso in mashaariicda waawayn ee dhaqaalaha badan uu ku baxo, ay noqdaan kuwa aan laga helin waxtarkii loo baahnaa.

Si kastaba ha ahaatee, Puntland iyo Dowladda federalka Soomaaliya waxaa ka dhex taagan khilaaf siyaasadeed oo aan weli xal loo helin.