7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 8 , 2023
4 kamid ah xaasaska horjoogayaal Shabaab ah oo maxkamadda ciidamada lasoo taagay

Talaado, Agoosto, 8, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta lasoo taagay 4 haween ah, kuwaas oo ah xaasaska horjoogayaal katirsan kooxda Alshabaab.

Caasho Muxidiin Maxamuud, Khadro Maxamed Ciise, Naciimo Faarax Sheikh-doon iyo Sahro Ciise Xuseen, ayaa lagusoo eedeeyay in ay qarinayeen horgoojayaasha Alshabaab, ayna marin habaabiyeen hay’adaha anmniga.

Haweenkan waxay maxkamadda ka qirteen in ragga qaba ay katirsan yihiin Alshabaab, inkastoo qaarkood ay sheegeen in aanay xog badan ka haynin markii hore. Waxayse beeniyeen inay ku taagarayeen ama kula shaqeynayeen Shabaabnimada raggooda.

Xeer ilaaliyaha maxkamadda ayaa sheegay in haweenkan duurka loogu gayn jiray horjoogayaasha qaba. Xeer ilaalintu waxay sheegeen in haweenkan lagu qabtay iyagoo la socday gaari ka yimid degaanka kuunyo Barow ee gobolka Shabeeladda hoose.

Gaariga ay la socdeen ayaa lagu helay jawaano ay ka buuxaan waxyaabaha loo adeegsado samaynta qaraxyada. Darawalkii gaariga ayaa  kamid ah dadka maxkamadda lasoo taagay.

Darawalka ayaa ku andacooday in qalabkan loogusoo dhiibay inuu ku wareejiyo ganacsade ku sugan suuqa bakaaraha.

Si kastaba ha ahaatee, dhegaysiga maxkamadayntooda ayaa lasoo gabagabeeyay, waxaana gudoomiyaha maxkamaddu uu sheegay in xukunka dib kasoo saari doonaan.