7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 8 , 2023
Tartan Qura'aanka Kariimka ah oo Minnesota lagu soo gabagabeeyey

Talaado, Agoosto, 8, 2023 (HOL) - Waxaa magaalada Bloomington lagu soo gabagabeeyay tartankii Quraanka, kaas oo maamulka North America Imamu shaatibi ay qabtaan sanad walba. Tartankaan sanad laha ah ayaa lagu qabtay labada magaalo, ee Burnsville iyo Bloomington oo ka wada tirsan Gobolka Minnesota. Tartankan ayaa soo maray heerar kala duwan, balse hadda maraya meel aad u sarreysa.

Gabar yar oo Soomaali ah ayaa gashay kaalinta koobaad ee qaybta 30-ka jus oo ku guuleysatay tartankii Imamu Shaadhibi, meesha dhinaca wiilasha 30-ka juz uu ku guuleystay Imran Duka, oo ka yimiday gobolka New Jersey.

Yusra Abdurahman Abdillle ayaa masrax ay fadhiyaan kummanaan muslimiin ah hortooda lagu guddoonsiiayay furaha gaari cusub oo soo baxay sanadkan 2023, noociisuna uu yahay Toyota Camry oo Soomaalidu ay aad u qaataan.

Waa fursad taariikhi ah inuu shahaadada guusha guddoonsiiyay Yusra, Sheikh al-muqri Ahmed Ciise al-Macsaraawi oo ka mid ah culumada caalamka ugu sarreysa dhinaca aqoonta Quraanka iyo culuumtiisa.

Yusra Abdurahman Abdille, waa gabar yar oo Somali-Mareykan ah oo ka timid gobolka Washington, ee dalka Mareykanka. Waxay ku guulaysatay kaalinta koobaad ee tartanka Quraanka Kariimka sanadkaan 2023-ka, ee Waqooyiga America Imamu Shadhibi, kaasoo shalay la soo gabagabeeyay kaddib toddobaad markuu ka socday goblka Minnesota, oo ay Soomaalidu ku xooggan yihiin.

Kaddib markii natiijada la shaaciyay ayay Yusra nooga warrantay dareenkeeda. “Alxamdu liLaah! Ilaahay aan ku mahadinaa”, ayay tiri Yusra. Sidoo kale, waxa ay sheegtay inay dhiirrigelinta ugu badan ay ka heshay waalidkeed oo ay sheegtay inay in badan la dadaaleen.

Iyadoo qof walba uu isweydiin karo gabadh yar oo ku dhalatay dalkaan Mareykan inay ku guulaysato kaalinta koobaad ee 30-ka juz ee Quraanka, ayaa haddana aaney la dhayalsan karin dadaalka macallimiinta Quraanka iyo waalidka ardayda tartanka ka qayb qaadata sanad walba.

Fatuma Qasim, hooyada Yusra, ayaa bogga galisay gabadheeda kaddib marka la guddoonsiiyay abaal-marinta. Hooyo Fatuma Qasim ayaa Hiiraan Online uga warrantay dareenkeeda iyo dadaalkii ay gelisay gabadheeda

guuleysatay. “Waa alxamdu liLaah”, ayay ku celcelisay dhowr jeer. Sidoo kale, waxa ay sheegtay in gabadha aabeheed uu dadaalka qayb weyn ku lahaa, oo uu u dadaalay Yusra oo markaan kaliya aanan guuleysan.

Yusra hooyadeed Fatumo ayaa sheegtay inay gabadheeda ku dhalatay Mareykanka, lakin tartammo Quraan oo kale oo badan ay ku guuleyatay dhawr jeer.

Kulankaan ayaa isu keenay dad ka kala yimidday meelo kala duwan, waxaana mideeyay jacaylka ay u qabaan Quraanka. Jawiga goobtaan waxaa hareeyay qiiro iyo xamaasad ay ku dheehan tahay dareen leh khushuuc iyo dhiirigelin dhif iyo naadir ah. Waa tan natiijada ka dhalatay waalid ilmihhisa ku taageeray xifdinta Quranka Kariimka ah.

Mohamud Dulyadeyn, Minnesota, USA