7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 8 , 2023
5 Caruur ah oo lagu laayay tuulo hoostagta deg. Gallaadi ee dowlad degaanka Soomaalida

Talaado, Agoosto, 8, 2023 (HOL) - Wararka aanu ka helayno dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in 5 caruur ah lagu dilay tuulo hoos tagta degmada gallaadi ee Gobolka Doollo ee dowlad degaanka Soomaalida.

Dadka degaankaasi oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in caruurtan habeenkii xalay ahayd lagu laayay goob ay hurdeen oo ahayd goob lagu barto Quraanka Kariimka ( Dugsi Quraan ) ama Malcaamad.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta keenta dilka caruurtan, balse dadka degaankaasi waxay Warbaahinta la wadaageen in dablay hubaysan ay caruurtan laayeen loona laayay aano qabiil, oo muddooyinkii u dambaysay degaankaasi ay ka jirtay colaad dhanka qabaaa'ilka aaggaas wada dega.

Dhulka ay dhibaatadani ka dhacday waa goob aan sidaa uga fogayn xadka uu degaanka Soomaalidu la leeyahay Soomaaliya, dhulkaas waxaa la sheegaa in ay ka jirto colaad dhanka qabaa'ilka oo muddo dheer soo jiitantay dad badanna ay ku dhinteen.

Colaadda dhanka qabaa'ilka ah iyo dilalka arrimahaas loo nisbeeyo ayaa maalmihii u dambeeyay waxay kusoo badanayeen degaannada qaar ee dowlad degaanka Soomaalida, waxayna noqotay arrimahani kuwo soo noqnoqda walina aysan dowladdu wax xal ah u helin.