7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 6 , 2023
Duqa Muqdisho oo si adag uga hadlay eedo loo jeediyay qoyska Madaxweyne Xasan Sheekh
 

Axad, Agoosto, 6, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si faahfaahsan uga hadlay cabashoyin ku aadan dhul boob ka taagan qeybo ka mid Muqdisho.

Guddoomiye Madaale ayaa ugu horeyn ka hadlay murunada ka taagan dhulka Kaasa Itaaliya ee degmada Xamarweyne, Warshada isbuunyada oo ku dhaw garoonka Aadan Cadde iyo dhulalka kale ee ku yaala xaafadaha Waxara Cadde iyo deegaanka Gubadleey ee duuleedka Magaalada Muqdisho.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhulka Kaasa Itaaliya ay u soo baahatay dowladda Talyaaniga oo laheyd, islamarkaana dooneyso iney ku shaqeysato.

"Arrinta Kaasa Itaaliya sida aan la socono waxaa iska leh Taliyaaniga safaaradda Talyaaniga warqadda ay soo dirtay waa taas, sidaas darteed waxay dalbadeen in loo banneeyo, marka Kaasa Itaaliya shaqsina ma laheyn cid gaar ah oo laheydna ma jirto” ayuu yiri guddoomiye Yuusuf Madaale.

Wuxuu sidoo kale ku baaqay guddoomiyaha gobolka Banaadir in dhulalka kale ee la isku haysto ee ku yaala Muqdisho iyo duuleedkeeda in lala aado xarumaha Garsoorka dalka.

"Arrinta Gubadley iyo Waxara Cadde ka taagan oo qolo walbaa siday rabto u hadaaqeyso qof walba oo sharci heysto ha dacwo tego, hana aado garsoorka, laakiin in bannaanka laga qayliyo wax macno ah oo ay soo kordhineyso ma laha” ayuu yiri guddoomiye Madaale.

Yuusuf Madaale ayaa mar uu ka hadlaayay eedaha loo jeedinaayay maalmahii dambe qoyska Madaxweyne Xasan Sheekh ee la xariiray inay boob ku hayaan dhulka qaar ayaa beeniyay, isagoo xusay in la doonayo in la iska horkeeno bulshada Soomaaliyeed iyo Madaxweynaha dalka.

“Qaraabada madaxweynaha yaan waxba afka lala raac raacin ee hala hubsado, anigu masuuliyad markaan qabto in la qeyliyo iyo in la caytamo ma kala jecli waxaa iga go’an inaan shaqeeyo” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka banaadir  magaalada Muqdisho.

Hadalka Yuusuf Madaale ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay isa soo tarayeen cabashooyinka ka soo yeeraya qaar kamid ah shacabka ku nool magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka cabanaayay dhul boob ay sheegeen inuu ka socdo gudaha iyo duuleedka magaalada Muqdisho.