7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 6 , 2023
Wiil Bajaajle ah oo xalay lagu dilay magaalada Dhagaxbuur ee dowlad degaanka Soomaalida

Axad, Agoosto, 6, 2023 (HOL) - Wararka aanu ka helayno Dowlad degaanka Soomaalida gaar ahaan magaalada Dhagaxbuur ayaa sheegaya in habeenkii xalay ahayd wiil Bajaajle ahaa lagu dilay gudaha magaalada Dhagaxbuur, sida ay sheegeen dad ka degaanka Dhagaxbuur.

Wiilkan la dilay oo saaka un meydkiisa la arkay isagoo garab yaala Bajaajtiisa ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Suldaan Cabdi Khaliif waxaana dilkiisa loo adeegsaday Xabad, lamana oga ilaa iyo hadda cidda wiilka dishay iyo sababta loo dilay faahfaahin dheeri ahna wali lama helin, inkastoo Booliska magaalada Dhagaxbuur uu wado baadhitaanno la xidhiidha dilka wiilkan bajaajlaha ah.

Dadka ku dhaqan magaalada Dhagaxbuur ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid argagax leh, waxayna dowladda ka codsadeen in baadhis dheeri ah lagu sameeyo dilka wiilkan Bajaajlaha ahaa, isla markaana cidda lagu helo sharciga la mariyo.

Inta la xasuusan yahay dhacdadan waa tii u horreysay ee ka dhacda magaalada Dhagaxbuur, waxayna dadka degaankaasi sheegayaan in haddaan arrinkan aysan dowladdu wax ka qaban inay badan karaan dilalka noocan oo kale ah ee loogaysto dadka ku xoogsada Bajaajta yaryar.