7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 6 , 2023
Kenya oo gacanta ku dhigtay 6 ajaanib ah oo u soday inay ku biiraan Alshabaab
 

Axad, Agoosto, 6, 2023 (HOL) - Ciidamada amaanka Kenya oo ilaalo xoogan ka sameeyay xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay lix ruux oo ajaaniib ah oo ku soo jeeday Soomaaliya si ay ugu biiraan Al-Shabaab.

Lixda qof ayaa kala ah, Muhamed Jahad Farah, Saad Suleiman Saleh, Nadrik Mbwana Salum, Abdul Kadir Salum Seif iyo Ali Issa Ali, kuwaas oo dhamaantood u dhashay Tanzania, iyo  Hassan Tourabih Kintosa oo u dhashay Uganda.

Markii su’aalo la weydiiyay, lixda qof ayaa qirtay inay u socdeen inay ku biiraan Al-Shabaab ka dib markii ay qoreen oo ay fududeeyeen dad ku kala sigan Tanzania iyo Uganda.

Xiritaanku waxa uu imanayaa wax yar laba toddobaad ka dib markii sidoo kale la xidhay saddex nin oo u dhashay Tanzania oo kala ah Abdul Saif Salimu, Zuberi Ngare Mtondoo iyo Seif Abdalla Juma, kuwaas oo lagu xidhay Korakora, Garissa, ka dib markii la ogaaday inay ku wajahan yihiin Soomaaliya, si ay ugu biiraan kooxda Alshabaab.

Dowladda Kenya ayaa shacabka ku dhiirigelisay inay sii wadaan la wadaaga macluumaadka hay’adaha ammaanka ee Kenya.

Shacabka ayaa sidoo kale loogu baaqay in ay feejignaadaan mar walba, islamarkaana ay kusoo wargaliyaan booliska cid kasta oo ay ka shakiyaan dhaq dhaqaaqooda.