7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 6 , 2023
Raysal Wasaare Xamse "Waxaa maanta si rasmi ah uga bilowday dalka wajigii labaad ee dagaalka cadowga looga xoreynaayo"
 

Axad, Agoosto, 6, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay inuu bilaawday wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Xamse ayaa sheegay in mudo kooban lagu soo afjari doono howlgalka ka dhanka ah Shabaab ee ka socda deegaanada maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle, islamarkaana loo gudbi doono deegaanada Jubbaland iyo koonfur Galbeed.

"Waxaa maanta si rasmi ah uga bilowday dalkeenna wajigii labaad ee dagaalka cadowga looga xoreynaayo, sidaas darteed waa in laga wada qeyb qaato dagaalkaas uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud" ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Raysal wasaare Xamse ayaa sidoo kale xusay in dowladda ay diyaariaay ku dhawaad 10 kun oo askari oo qeyb ka noqonaya wajiga labaad ee dagaalka dalka looga xureynaayo Ururka Al-shabaab, isagoon ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney ka qeyb qaataan dagaalka.

"Waxaan leeyahay shacabka soomaaliyeed ayuu marnaba  dhex dhexaad ha ka noqonina dagaalka ka dhanka ah Shabaab, sababto ah waxa la isku haysto waa jiritaanka ummadda" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa faray dhamaan hay’adaha dowladda iney si wadajir ah uga qeyb qaataan howlgalada, isagoona ugu baaqay xildhibaanada iney tagaan deegaanada ay ka soo jeedaan oo ay dadka abaabulaan kuna dhiirigaliyaan in leyska xureeyo Al-shabaab.

Hadalka Raysal wasaare Xamse ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb oo la sheegay inuu u tagay dardar galinta howlgalka dalka looga saarayo Ururka Al-shabaab.