7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 6 , 2023
Madaxweyne Deni oo mar kale wajahaya khilaaf loogasoo horjeedo doorashada qof iyo cod
 

Axad, Agoosto, 6, 2023 (HOL) - Qaar  kamid ah Ururada mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka Puntland ayaa ka horyimid qorshaha madaxweyne Deni ku doonayo inuu ku qabto doorasho qof iyo cod ah, iyagoo ku eedeeyay inuu qaab qaldan u maray furista dastuurka Puntland.

Ururka Mideeye oo ah ururka ugu weyn mucaaradka ayaa qaadacay doorashada  uu madaxweyne Deni ku baaqay, iyagoo sharci darro ku tilmaamay tallaabada guddiga doorashada uu kusoo saaray 8 xisbi ah oo doorashada ka qeyb galaya.

Mideeye waxay marin habaabin ku tilmaameen hadaladii madaxweyne Deni uu ka sheegay xafladdii kowda August, iyagoo sheegay in aysan qeyb ka ahayn doorasho hal dhinac ah.

Waxay ka digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta waxay ugu yeereen damaca gurracan ee madaxweyne Deni. Waxay isimada ugu baaqeen inay meel iska dhigaan khilaafkooda una midoobaan badbaadinta Puntland.

Dhinaca kale maalin kahor guddi isugu jira aqoonyahanno iyo odayaasha dhaqanka ee gobolka Nugaal ayaa soo saaray bayaan ay kagasoo horjeedaan doorasho qof iyo cod ah, iyagoo ku baaqay in dib loogu laabto habkii qabaliga ahaa ee xulista baarlamaanka Puntland.

Waxay saluug ka muujiyeen waqtiga harsan in aysan suurtagal ahayn in lagu qaban karo doorasho qof iyo cod ah, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in beeluhu bilaabaan xulista baarlamaanka.