7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 6 , 2023
Kumaandooska Soomaaliya oo howlgalo ka sameeyay deegaano ka tirsan Galgaduud
 

Axad, Agoosto, 6, 2023 (HOL) - Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed Danab iyo Gorgor ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano dhowr ah oo hoostaga deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa si wadajir ah howlgalka uga sameeyay dhulka howdka ah ee ku yaala deegaanada kala ah Ceel qurac, Galgoof, Gal libaax iyo Alfuraad, halkaas oo la sheegay in kooxda Al-shabaab iney uga qaadayeen dadka deegaanadaas lacago ay ugu yeeraan Sakawaad.

Saraakiisha hogaamineysay ciidamada howlgal kaan sida wadajirka ah u sameeyay waxay sheegen iney ka war heleen xubno ka mid ah Ururka Al-shabaab oo si dhuumaaleysi ah ku imaanayay deegaanadaasi oo dadka ka qaadayay lacago.

Si kastaba ha ahaate Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ma aysan sheegin wax  khasaaro ah oo ka dhashay howlgalka iyo waxyaabo lagu soo qabtay, inkastoo ay tilmaameen in howlgalada noocaan ah ay sii wadi doonaan.

Howlgalkaan ciidamada ka sameyeen deegaanada hoostaga Galcad ayaa imaanaya, iyadoo kooxda Al-shabaab ay marar badan weeraro xoogan oo isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah ay ku qaadeen deegaanka galcad ee gobolka Galgaduud.