7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 6 , 2023
Madaxtooyada oo Shaacisay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu si kumeel gaar ah ugu sii shaqeyn doono magaalada Dhuusamareeb
 

Axad, Agoosto, 6, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi balaaran oo uu hoggaaminaayay oo gabal dhacii Shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa halkaasi waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ku xigeenkiisa, wasiiro, Xildhibaano, saraakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada reer Dhuusamareeb.

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta iyo xariirka Warbaahinta ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabduqaadir Cali Dige ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu si ku meel gaar ah uu shaqooyinkiisa caadi ah uga sii wadi doono magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

“Waxyaabaha muhimadda u leh dowladnimada iyo dowlad dhiska ayuu ka shaqeyn doonaa inta uu magaalada joogo madaxweynaha taasi oo ay u horreyso amniga iyo dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle” ayuu yiri Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabduqaadir Cali  Dige.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in horumarka Soomaaliya ay hortaagan yihiin kooxda Al-shabaab, islamarkaana haatan ay Ciidamada dowladda u diyaar garoobayaan wareegga labaad ee dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilaabanaya deegaanada ay kooxda kaga sugan yihiin maamulada Galmudug iyo Hirshabelle.

Gabagabadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda si rasmi ah ugu dhawaaqo wajiga labaad ee howlgalka dalka looga ciribtiraayo Ururka Al-shabaab.