7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 4 , 2023
Xaalad degdeg ah oo lagu soo rogay gobolka Axmaarada xilli wali dagaalladu ay kasii socdaan gobolkaas
 

Jimco, Agoosto, 4, 2023 (HOL) - Golaha Wasiirada ee dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay gobolka Axmaarada kaddib markii ay faraha ka baxday xaaladda amni ee gobolkaasi, isla markaana uu Madaxweynaha degaankaasi uu qayla dhaan u diray dowladda dhexe ee Itoobiya.

Sidoo kale waxaa la magacaabay Taliyayaal Ciidan oo hoggaamin doona xaaladdan degdeg ah ee lagu soo rogay degaanka Axmaarada, iyadoo sidoo kale degaankaasi laga joojiyay adeegyo badan sida Internetka, Isgaadhsiinta ku hadalka, waxaa la xaddiday kulamada la isugu imaanayo, Banaanbaxyada, guud ahaan waxaa degaankan laga laalay sharcigii iyo kala dambayntii, kaliya waxaa xukunka degaangan muddo 6 bilood ah gacanta ku haynaya Ciidamada Millitariga oo kaliya.

Dhinaca kale waxaa degaannada qaar ee gobolkan Axmaarada gaar ahaan magaalooyinka Dase, Gonder iyo Lalibala ka joogsaday duullimaadyadii diyaaradda oo maalmaha Sabtida iyo Axadda tagi jiray magaalooyinkaasi, sida ay goor dhaweyd shaacisay Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya ee Ethiopian Airlines.

Horey waxaa degaannada qaar ee dalka Itoobiya looga dhawaaqay xaalad degdeg ah, taas oo dowladdu ay ku xallinaysay xaaladda amni xumo ee wakhtigaa ka jirtay degaannada qaarkood oo ay u dambeysay tii ka jirtay gobolka Tigray, iyadoo haatana ay marayso gobolka Axmaarada oo dagaallo xooggani ka socdaan.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa degaanka Axmaarada ka billowday dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Millitariga Itoobiya iyo Jabhadda horey u taageeri jirtay dowladda Itoobiya ee haatan noqotay mucaaradka ee FANO, dagaalkan ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo Jabhadda oo diidan go'aankii hadda ka hor kasoo baxay dowladda Itoobiya ee lagu kala diray Ciidamaddii ay gaarka u lahaayeen degaannada dalka Itoobiya.