7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 4 , 2023
Jabhad cusub oo lagaga dhawaaqay Somaliland
 

Jimco, Agoosto, 4, 2023 (HOL) - Jabhad cusub oo lagaga dhawaaqay gobolka Sanaag ee Somaliland ayaa xukuumada dagaal ugu hanjabtay.

Kooxdan oo dhallinyaro u badan oo hubaysan, ayaa ku dhawaaqday in ay yihiin jabhad la mataano ah jabhada kale ee dhawaan gashay buurta Gacan-libaax, waxayna fariin u direen madaxweynaha.

"Anagu waxaanu nahay Garxajis bari, Muusena wax ala waxan u  arkaa ma jiro, baryina maayo maanta, taad keentay yay kula xumaan diyaar ayaanunahay, jabhada joogta Gacan-libaax arrin iyo adduunba waanu idinla garabtaaganahay" Mid kamid ah jabhada ayaa sidaa yidhi.

Waxay sheegeen in ay hubka u qaateen sidii ay Somaliland uga badbaadin lahaayeen kalidiitalisnimo, ay sheegeen in uu ku dhaqmayo Madaxweynaha Somalilnd Muuse Biixi Cabdi.

Jabhadan ayaa imanaysa maalmo kadib markii dhallinyaro reer Saaxil ahi ay sheegeen in ay jabhadyihiin, isla markaana ay agagaarka buurta Gacanlibaax dagaal kula galeen ciidamada Somaliland.

Odayaasha dhaqanka Somaliland iyo baarlaamaanka oo Hargaysa shirar ku yeeshay ayaa sheegay in ay ka hawlgali doonaan hubka dhigista dhallinyarada hubka qaadatay.

Inkasta oo uu xisbiga Waddani ku baaqay nabad iyo in jabhadaynta la joojiyo, hadana kooxahan hubaysan ayaa ah taageerayaasha xisbiga oo kasoo hor jeeda furista ururada siyaasada, kuna baaqaya doorasho madaxweyne.