7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 4 , 2023
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay qabatay xubno hay'adaha amniga katirsan oo basaasiin u ahaa Alshabaab

Jimco, Agoosto, 4, 2023 (HOL) - Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Daa’uud Aweys ayaa sheegay in hay’adaha amnigu ay gacanta ku dhigeen 10 xubnood oo basaas u ahaa kooxda Alshabaab.

Wasiirka warfaafinta ayaa hadalkaan ku sheegay shir jaraa’id oo uu galabta ku qabtay magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in sidoo kale  ay jiraan basaasiin kale oo ciidamada ku dhex jiray, kuwaas oo baxsaday.

Wasiirku wuxuu sheegay in hay’adda nabad sugiddu ay muddo baaris ku haysay sidii loo ogaan lahaa cid walba oo xiriir dhow laleh Alshabaab, una gudbisa xogaha amniga.

Dadka baxsaday ee basaasiinta u ahaa Alshabaab, wuxuu sheegay wasiirku in ay kamid ahaayeen, Cabdisataar Cabdulqaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamed Cali, kuwaas oo  katirsanaa hay’adaha amniga ee Dowladda.

Wasiirka warfaafintu wuxuu sheegay tallaabadan inay qeyb ka tahay dagaalka ay dowladdu kula jirto cid kaste oo katirsan hay’adaha amniga oo xogta siisa Alshabaab.

Shakhsiyaadka la sheegtay in ay ahaayeen basaasiin, wasiirku ma caddayn in ay ku lug leeyihiin weerarkii ismidaamin ahaa ee dhawaan lagu laayay tiro badan oo katirsanaa ciidanka Dowladda ee guutada 14-ka Octobar.