7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 4 , 2023
La taliyaha amniga raysal Soomaaliya oo ka hadlay sababta dib u dhigtay wajiga 2aad howlgalka Shabaab
 

Jimco, Agoosto, 4, 2023 (HOL) - La taliyaha dhanka amniga ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Kamaal Daahir Xasan (Guutaale) ayaa wareysi uu siiyay BBC Soomaali, wuxuu kaga hadlay sababta uu gaabiska u yahay wajiga 2-aad ee howlgallada Alshabaab looga xoraynayo dalka.

Kamaal Guutaale waxa uu sheegay in dowladdu ay qabaneyso howlo badan oo ay ku fulineyso howlgallada iyo qorista askar cusub, si ay uga qeyb qaataan howlgalka cusub.

La taliyaha amnigu wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay weli ku harsan yihiin gobolka Galgaduud ayna u badan tahay in ay si adag u dagaallamaan maadaama sida uu sheegay ay ujeedo istiraatiiji ah leeyihiin, ciidamaduna ay arrintaas horay ugu xisaabtameen.

“Labada magaalo ee kaliya ee waa weyn waa degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri iyo deegaanada hoosyimaada ee maamulka Galmudug oo ay wali gacanta ku hayaan argigixisada. Idan Alle dhawaan ayaa ka sifeyn doonnaa” ayuu yiri Kamaal Guutaale.

Waxa uu sidoo kale caddeeyay in dowladda ay wejiga labaad ee duullaanka ay qeyb ka yihiin galbeedka Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo guud ahaan gobolka Bakool.

"Waxaan gaareynaa waxa dadka kale aysan weligood sameyn karin. In ka yar toddobo bilood waxaan tababar siinnay in ka badan 12,000 oo askari oo cusub kuwaas oo mideysan oo si fiican u qalabeysan” ayuu yiri la taliyaha.

Guutaale ayaa inta uu wareysiga socday waxa uu sidoo kale soo hadal qaaday weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhanka ah Alshabaab ahaa isagoo sheegay in khasaaro xoogan lagu gaarsiiyay deegaano ka tirsan Baay iyo Galgaduud.

La taliyaha dhanka amniga ayaa wax laga weydiiyay tirada khasaaraha Alshabaab  ee ay baahisay dowladda oo u muuqata mid aad loo buun buuniyay, wuxuuna sheegay in dhimashadu aysan marnaba is qarin karin, ciidamada amniguna ay hayaan tiro dhab ah oo dhimasho iyo dhaawac ah oo Shabaab ka soo gaarta howlgal kasta ama dagaal kasta.