7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 4 , 2023
Somaliland oo sheegtay in Puntland ay isu diyaarinayso weerar ay ku qaado ciidankeeda
 

Jimco, Agoosto, 4, 2023 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in maamulka Puntland uu qorsheeyay dagaal ka dhan ah ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka Sool.

"Hada imika dagaalka Laascaanood ninka wadaa waa Dani, weerarkii ugu danbeeyay ayuu hada qaadaya, caawa ayuu soo baxay ciidankii uu diyaarinayay, ama aroorta ayay Garoowe kasoo baxayaan" ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Wasiirka ayaa sheegay in aan loo baahnayn in Puntland ay dagaal Laascaanood ka hogamiso, ee loo baahanyahay in ay horumariso oo hagaajiso deegaanada ay gacanta ku hayso.

Tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Laascaanood ciidamo beeleedyo tiro badan oo kasoo gurmaday deegaanada Puntland, ciidamada PSF ee Puntland, iyo ciidamo kale oo Puntland leedahay ayaa dagaal la galay ciidamada Somaliland.

Inkasta oo garaadada SSC ay dhowr mar sheegeen in maamulka Puntland aanu qayb ka ahayn dagaalka Laascaanood, hadana Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa dhawaan sheegay in ciidan iyo maaliyad wixii ay hayeen ay ku bixiyeen dagaalka Laascaanood.

Inkasta oo dadka deegaanka ay ku haminayaan in ay dhistaan maamul madaxbannan, hadana Puntland iyo Somaliland ayaa mid waliba u xusulduubaysa sidii ay uga talin lahayd deegaanadan, madaxweyne Dani ayaana dhawaan caddeeyay in uu rajaynayo in reer Sool ay Puntland wax la dhistaan.

Dagaalka Laascaanood ayaa hada socda muddo 7 billood ah, iyada oo ay guuldaraysteen badanka dhexdhexaadino laysku dayay, waxgaradka SSC ayaa raba in Somaliland ka baxdo deegaanadooda, halka Somaliland-na u aragto in ay xuduudkeedii joogto.