7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 4 , 2023
Ciidamada dowladda oo iska caabiyay weerar Alshabaab ay ku qaadeen degaanka Geedweyne ee Gedo
 

Jimco, Agoosto, 4, 2023 (HOL) - Kooxda Alshabaab ayaa xalay goor dambe weerar ku qaaday degaanka Geedweyne ee gobolka Gedo, iyagoo bartilmaameedsaday xarun ay ku sugnaayeen ciidamada Dowladda.

Gudoomiyaha Geedweyne Yuusuf Dirir Cabdinuur ayaa sheegay in ciidamada ay ku guulaysteen inay jab ugu u geystaan kooxda weerarka kusoo qaaday, isagoo sheegay inay ka dileen dhowr, kuwa kalena ay ka dhaawaceen.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay Shabaabku qorsheynayeen weerar xooggan oo ay kula wareegaan degaanka, balse wuxuu sheegay in ciidamada oo feejigan ay ka hortageen.

Ma sheegin wax khasaare ah oo gaaray ciidamada Dowladda.

Alshabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay kordhiyay weerarada ka dhan ah degaanada gobolka Gedo, halkaas oo dhowaan ay faarujiyeen ciidamo katirsan kuwa ATMIS.

Jubbaland ayaa walaac weyn ka muujisay qatarta Alshabaab ee gobolka Gedo.  Waxay sheegeen in lagu degdagay qorshaha ciidamada ATMIS u baneeyeen saldhigyo jiida hore ah.