7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 31, 2023
Taliyihii guutada Khaalid Binu Waliid ee ciidanka xoogga dalka oo nolol iyo geeri lagu la'yahay
 

Khamiis, Agoosto, 31, 2023 (HOL) - Korneel Mukhtaar Xasan Tifow Shaah-macabe oo ahaa taliyihii guutada Khaalid Bin Waliid ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa la waayay wixii ka dambeeyay weerarkii xerada Cowsweyne.

Sarkaalkan ayaa ku sugnaa xerada markii ay Alshabaab kusoo qaadeen weerarka.

Shabaab, oo maalmo ka hor soo bandhigay muuqaalka weerarkaas, weli ma aysan sheegin in sarkaalkan uu katirsanaa saraakiishii iyo ciidamadii ay ku dileen weerarkaas Cowswayne.

Jawaahir Baarqab oo ka mid ah qoyska sarkaalkan oo la hadashay BBC Soomaali, ayaa sheegtay inay maqleen warar is khilaafsan oo ku saabsan inuu nool yahay iyo inuu geeridooday. waxayse sheegtay in qoyskoodu aaminsan yahay inuu nool yahay oo uu ku maqan yahay shaqada qaranka.

“Xogaha aan helayno oo ay dadku noosoo sheegayaan waxaa waaye inuu bed qabo oo caafimaad qabo, ninkaasi uu shaqo qaranka ku jiro,” ayay tiri Jawaahir Baarqab.

Waxay sheegtay inay macluumaad ka sugayaan wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya iyo saraakiishii ay wada shaqaynayeen.

Dhinaca kale, Dowladda Soomaaliya illaa iyo hadda wax war ah oo ku saabsan xaaladda sarkaalkan masoo saarin, walow wasiir ku xigeenka warfaafinta uu beeniyay in sarkaalkan nolol iyo geeri lagu la’yahay.

Dowladda Soomaaliya ayaa saraakiil muhiim ah horey ugu weyday dagaalka Alshabaab. Waxaa kamid ah, taliye ku xigeenkii Danab, Xasan Tuure, taliyihii ciidanka booliiska gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole, iyo taliyihii guutada 3-aad ee qeybta 27-aad ee ciidanka xoogg dalka, Abshir Maxamuud Maxamed Shataqeey.

Intaba waxaa lagu dilay weeraro kala dhacay degaanada Galcad, Basra iyo Xawaadley.