7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 31, 2023
Golaha Wasiiradda oo Maanta meel mariyay heshiisyo ay wada gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya

Khamiis, Agoosto, 31, 2023 (HOL) - Shirka Todobaadlaha ee Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya oo uu maanta shir gudoomiyay Raysal wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre ayaa looga hadlay amniga guud ee dalka, islamarkaana lagu meelmariyay heshiisyo is afgarad oo dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya.

Raysal wasaare Xamse Cabdi barre ayaa ugu horey Golahiisa Wasiiradda la wadaagay safar hal maalin ah oo uu shalay ku tagay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo uu ku sheegay inuu la xariiray dhiiragalinta ciidanka dowladda ee dagaalka kula jira Ururka Al-shabaab.

Kulanka waxaa sidoo kale Goluhu ay ku meel mariyeen heshiisyo ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo la xiriira arrimaha Dibadda, Caafimaadka, Waxbarashada, Warfaafinta, Dalxiiska iyo tayeynta maamulada dowliga ah.

Shirka Todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale waxaa warbixino la xariira amniga guud ee dalka looga dhageystay  Wasaaradaha Gaashaadhigga iyo Amniga Gudaha, kuwaas oo Golaha usoo bandhigay guulaha laga gaaray howlgaladii ugu dambeeyey.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa sidoo kale si weyn u bogaadiyey guulaha ay ciidamada xoogga dalka ay ka gaarayaan furimaha dagaalka Shabaab looga xureynayo dalka.

Kulankaan ayaa imaanaya, iyadoo gobolada Galgaduud, Mudug, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay ka socdaan abaabulkii ugu dambeeyay ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab looga ciribtiraayo guud ahaan dalka.