7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 31, 2023
Hooyo iyo labadeeda gabadhood oo ku geeriyooday dhisme 8 dabaq ah oo kusoo dumay
 

Khamiis, Agoosto, 31, 2023 (HOL) - Hooyo iyo labadeeda gabdhood ayaa ku geeriyooday, ka dib markii dhismo siddeed dabaq ah uu kusoo dumay hoyga ay degenaayeen oo kuyaala degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa ku warramay in dhismahan uu kusoo dumay dhismo kale oo afar dabaq ah oo isna dhismihiisu uu socday, waxaana taasi ay keentay in burburka ka dhashay dhismayaashan ay kusoo dhaceen guriga ay degenaayeen qoyskan.

Kooxda gurmadka deg dega ah ee gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay in ay soo saareen meydadka saddex qof oo kala ahaa hooyo iyo labadeeda gabdhood. Kooxda gurmadka waxay sidoo kale soo badbaadiyeen labo qof.

“Dhacdadan naxdinta leh waxay dhacday markii dhismahan oo siddeed dabaq ahaa oo dhismihiisu socday uu ku dumay dhismo kaloo afar dabaq ah, Waxaan ku guuleysanay inaan guriga ka soo saarno labo qof oo nool,” ayuu yiri xubin ka tirsan gurmadka.

Kooxda gurmadka deg deg ah ayaa eedda dusha u saaray Injineerka qandaraaska ku qaatay dhismaha dumay, iyagoo sheegay in qaladaad badan uu ka muuqday habka dhismuhu u socday.

“Sababta dhibaatadan keentay waa Injineerka qandaraaska lagu siiyay inuusan kormeerin dhismaha. Waxay u muuqataa in injineerku khaladaad badan uu sameeyay, oo aanu u hoggaansamin heerarka lagama maarmaanka u ah dhismayaasha magaalada dhexdeeda,” ayuu xubin kooxdu ku daray.

Dadka deegaanka ayaa walaac xooggan ka muujiyay dhismooyinka dhaadheer ee magaalada Muqdisho ku soo badanaya, iyadoo inta badan ay jiraan injineero aan u hogaansamin shuruucda dowladda.

Dhacdooyinka noocaan oo kale ah ayaa ku soo badanaya magaalada dhowrkii sano ee la soo dhaafay, iyadoo dadka deegaanka ay ku andacoonayaan in la’aanta nidaam dowladeed oo ay dheer tahay Injineerada eeganaya jeebkooda, ay keentay in la dhiso dhismayaal aan ku habooneyn in la dego.