7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 30, 2023
Dowladda Fedaraalka oo ugu baaqday xubnaha Al-shabaab iney ka faa'ideysataan Cafiska loo fidiyay

Arbaco, Agoosto, 30, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ku sugan magaalada Xarar dheere ee gobolka Mudug ayaa markale ugu baaqay xubnaha kooxda Al-shabaab iney ka faa'ideystaan cafiska uu u fidihay madaxweyne Xasan Sheekh ee ah iney isa soo dhiibaan.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in cid walba oo dooneysa iney ka faa'ideysato fursada cafiska oo isaga soo baxeysa kooxda shabaab in la soo dhaweynaayo.

"Kooxaha Khawaariijta waxaan u sheegaya iney ka faa'ideystaan fursada loo fidiyay oo ay isku soo dhiibaan ciidanka dowladda, Shabaab waqtigooda waa dhamaaday ee waxaan idin leeyahay khasaaraha nafeed ha isku badina isa soo dhiiba fursad ayaad haysataane" ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wuxuu sidoo kale sheegay wasiirka in cid kasta oo ka tirsan kooxda Shabaab ee isku soo dhiibta gacanta dowladda in la marsiin doono nidaamka la marsiiyo xubnaha Shabaab ee isku soo dhiiba dowladda.

Axmed Macalin Fiqi wuxuu sidoo kale si kulul u dhaliilay kooxo oo uu sheegay iney Shabaab ku difaacaan baraha bulshada oo sida Shabaab oo kale wax ugu qora baraha Facebook iyo Twitter.

"Dowladda talaabo ayay ka qaadi doonta kuwa Khawaariijta ku difaaca baraha bulshada ee dacaayadahooda fidiya" ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka arrimaha gudaha Soonaaliya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Shalay ciidanka dowladda ee deegeenka Wisil ee gobolka Mudug uu isku soo dhiibay horjooge ka tirsan kooxda oo lagu magacaabo Nuur Cabdullaaho Maalin guur.