7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 30, 2023
Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo gaaray degmada Aadan Yabaal

Arbaco, Agoosto, 30, 2023 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray taliska ciidamada Xoogga Dalka ee degmada Aadan Yabaal, maalmo kaddib markii ciidamo katirsan xoogga dalka ay kasoo baxeen furimihii dagaalka ee Galagduud.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedada safarkiisa ku sheegay in ay tahay, sidii uu u dhiirigelin lahaa ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka, kuwaas oo ku howlan ciribtirka Shabaabka ku sugan degaanada Galmudug iyo Hirshabelle.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u kuurgeli doona isbeddellada nololeed ee ka jira deegaannadii laga sifeeyey Alshabaab oo ay ka mid tahay degmada qadiimiga ah ee Aadan Yabaal.

Raysal wasaare Xamsa Barre wuxuu  kulamo gaar ah la yeelan doona qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Taliska Ciidanka X.D.S ee laga hoggaamiyo dagaalka ka socda Galmudug iyo Hirshabelle ee lagu sifeynayo Alshabaab.

Waa safarkii labaad oo Ra’iisul Wasaaruhu ku tago Aadan Yabaal, taas oo kusoo beegantay, xilli madaxweynaha Soomaaliya uu xalay sheegay in la joogo waqtigii lala xisaabtami lahaa kuwa ku tagri falay awoodda ciidanku lahaayeen.

Warar aanu helayno waxay sheegayaan in raysal wasasaaruhu la hadlay ciidamada kasoo baxay furimaha, isagoo u sheegay in ay ku laabtaan, dowladduna la xisaabtamayso cid kaste oo ciidanka awooddiisa ku sameysay ku tagrifal.