7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 30, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Taliska hoggaaminta dagaalka Al-shabaab u badalaya degmada Maxaas
 

Arbaco, Agoosto, 30, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo mudo ku dhaw hal bil ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug oo uu u tagay hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan inuu ku wajahan yahay magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ujeedka safarka madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagaayo magaalada Maxaas ayaa la xariirta inuu doonayo in halkaasi uu ka hoggaamiyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee looga ciribtiraayo deegaanada maamulka Galmudug.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay shabakada HOL ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan uu wadahadalo la yeeshay madaxweynaha maamulka la baxay Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan oo caan ku ahaa la dagaalanka Shabaab iyo Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa doonaya inuu degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan uu ka dhigto xarunta uu ka hoggaaminaayo howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana muuqaneysa in haatan ay isku soo dhawanayaan madaxweyne Xasan iyo Cali Jeyte Cismaan oo loo magacaabay inuu noqdo madaxweynaha Hiiraan State, kadib markii uu xilkii guddoomiyaha gobolka Hiiraan uu ka qaaday madaxweynaha Hirshabeelle.

Talaabadaan uu madaxweyne Xasan Sheekh uu taliska hoggaaminta dagaalka uga dhiganayo Maxaas oo uu kaga soo guurayo magaalada Dhuusamareeb ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo dowladda culeysyo iyo fashil kala kulantay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanada ku yaala Bariga gobolka Galgaduud, waxaana xusid mudan in madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in la joogo waqtigii la isla xisaabtami lahaa.