7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 3 , 2023
Guddoomiyaha xiriirka cayaaraha fudud oo iska difaacday eedeymihii shaqada looga joojiyay
 

Khamiis, Agoosto, 3, 2023 (HOL) - Guddomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha fudud, Khadiijo Aadan Daahir, ayaa sheegtay, xiriirka olombikada Soomaaliya in uusan wax shaqo ah ku lahayn tartanka orodada ardayda jaamacadaha ee lagu qabtay Shiinaha.

Guddoomiye Khadiijo oo shaqo joojin lagu sameeyay, waxay sheegtay in tartankaas loo rabay qof arday ah oo jaamacadaha ka qallin jebiyay, sidaasna ay tahay sababta Nasro Abuukar Cali loogu diray tartankaas, inkastoo guul darro iyo fadeexad ay kasoo hoyisay tartankaas.

Iyadoo loo diiwaan galiyay inay noqotay orodyahanaddii ugu hooseysay abid tartan heer caalami ah, waxayna oroday kaliya 21.81 ilbiriqsi. Arrintaas oo keentay in wasaaradda cayaaraha iyo xiriirka olombikada ay aad u dhaleeceeyaan guddoomiyaha cayaaraha fudud.

Khadiijo, inkastoo aysan ka hadlin shaqo joojinta lagu sameeyay, haddana waxay sheegtay in aysan u joojindoonin dhaleecaynta loosoo jeediyay, iyadoo aaminsan in aanay samayn wax qalad ku ah shaqadeeda iyo midda xiriirka cayaaraha fudud ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, Nasro Abuukar Cali oo iyadana la wareystay ayaa sheegtay in aysan jirin tartamo ay kagasoo qeyb gashay jaamacadaha, iyadoo sheegtay in aysan jaamacaduhu lahayn tartamo orodo ah oo loo qabto gabdhaha.

Waxay kaloo sheegtay inuu muruq booday maalin ka hor tartanka, ayna tahay sababta ay u ordi weyday oo ay tartanka uga hartay.