7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 3 , 2023
Dowladda Soomaaliya iyo kooxda Alshabaab oo lagu eedeeyay inay askareeyeen boqolaal carruur ah

Khamiis, Agoosto, 3, 2023 (HOL) - Warbixinta ka ganacsiga dadka oo ay sii daysay Dowladda Maraykanka, ayaa soo bandhigtay tiro aad u badan oo carruur askar ah oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaadka la shaqeeya.

Warbixinta oo todobaadkan soo baxday ayaa muujineysa xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee weli ka socda dalka, iyadoo Al-Shabaab iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ay yihiin kuwa ugu horeeye ee lagu eedeeyay xagudubyadan.

Warbixinta Xoghayaha Arrimaha Dibadda ayaa si cad u sheegtay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ay ciidamada dowladda ama kooxaha  kasoo horjeeda ay askareeyaan carruurta.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay qoratay boqollaal carruur ah oo askar ah 2022 oo keliya, taasoo ka hor imaanaysa sharciga ka hortagga carruurta la askareeyo.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale diiwaan galisay in 1,094 carruur ah oo qaarkood ay da’doodu ka yar tahay 8 sano jir ay ku dhibaateysan yihiin Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Warbixintan Qaramada Midoobay ay soo saartay ayaa ah warbixintii ugu badnayd ee xadgudubyada halista ah ee ka dhanka ah carruurta ku sugan meelaha colaaduhu ka jiraan.