7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 3 , 2023
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Goofgaduud buureey

Khamiis, Agoosto, 3, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab ay ku qaaday deegaanka Goofgaduud buureey oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Weerarka ayaa dhacay gabal dhacii shalay waxaana la tilmaamay in ilaa xalay fiidkii uu soo gaaray dagaalka halkaas ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ee weerarka ku qaaday deegaanka Goofgaduud Buurey oo 30 KM dhanka Waqooyi kaga beegan Magaalada Baydhabo.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo dhinacyadu ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, hayeeshee wali lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka saacadaha qaatay ee ka dhacay gudaha deegaanka Goofgaduud buureey.

Waa markii sadaxaad oo mudo 10 cisho gudahood ah ay kooxda Al-shabaab weerar xoogan ay ku qaado deegaanka Goofgaduud buureey oo ka mid ah goobaha istaraatiijiga ee laga ilaaliyo amniga guud ee magaalada Baydhabo oo ah Caasimadda ku meel gaarka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.