7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 3 , 2023
Alshabaab iyo Boka haram oo loo diiwaan galiyay inay rabshadaha ugu dhimashada badan ka geysteen Afrika

Khamiis, Agoosto, 3, 2023 (HOL) - Dhimashada ugu badan ee ay sababaan falalka kooxaha xagjirka ah ayaa kor u kacay ku dhawaad 50% 12-kii bilood ee ugu dambeeyay ee Afrika, taas oo gaartay koror taariikhi ah.

Xaaladda Soomaaliya iyo gobolka Sahel ayaa walaac gaar ah laga muujinayaa, sida lagu sheegay cilmi-baaris ay samaysay xarunta cilmi-baarista Maraykanka ee African Centre for Strategic Studies.

"Dhimashada lala xiriirinayo kooxaha Alshabaab iyo Boka Haram ayaa waxay gaartay 22,288 12-kii bilood ee la soo dhaafay. Tani waxay ka dhigan tahay koror 48% ah marka loo eego sannadkii hore oo la diiwaangeliyay 15,024 dhimasho", ayay tiri daraasadda, iyada oo tixraacaysa xogta guud ahaan qaaradda Afrika.

Ka hor, rikoorku wuxuu ahaa 20,562 dhimasho ah oo la diiwaan geliyey 2015. Boko Haram iyo Al-shabaab ayaa loo aqoonsaday kooxaha rabshadaha ugu badan ka geysta Afrika.

Soomaaliya, oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, oo sidoo kale gacan saar la leh Al-Qaacida, iyo gobolka Sahel ee Afrika ayaa ah xudunta qalalaasaha qaaradda Afrika, taasoo 80% ka ah dhimashada lagu sheegay dukumentiga.

Soomaaliya, kororka dhimashada ayaa ka sii naxdin badan marka loo eego muddadii hore. Waxaa jiray 7,937 dhimasho ah oo lala xiriiriyay weeraro argagixiso 12-kii bilood ee la soo dhaafay, taas oo aad uga badan rikoorkii hore ee dhimashada 2018, taasoo ahayd 5,224.