7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 3 , 2023
Xuseen Qaasim oo ka hadlay dhacdo hadda kahor ka dhacday degmada Raaso oo dad lagu laayay

Khamiis, Agoosto, 3, 2023 (HOL) - Wasiirka Madaxtooyada ee dowlad degaanka Soomaalida Xuseen Qaasim oo kamid ahaa wafdigii ay xukuumaddu u dirtay carriga Mareekanka, ayaa wax laga waydiiyay qaar kamid ah dhacdooyin hadda ka hor degaanka Soomaalida ka dhacay oo dad Shacab ah lagu laayay.

Xuseen Qaasin waxaa wax laga waydiiyay dhacdo 2020kii ka dhacday degmada Raaso oo dad shacab ah lagu laayay, kaddib markay dad Mudaaharaadayey ay isku dhaceen Ciidankii Booliska ahaa ee ku sugnaa dedmada Raaso, dhacdadaas oo la sheegay in marar kala duwan oo wax laga waydiiyay Wasiirka oo xilligaas ahaa Hoggaanka Nabadgalyada degaanka Soomaalida uu ku tilmaamay Shaqaaqo.

Haddaba Wasiirku waxa uu arrintaas kaga jawaabay in dadkan Mudaaharaadka samaynayay oo uu ku sheegay in shakhsiyaad kale ay soo abaabuleen ay isku dayeen inay galaan xerada Ciidanka Booliska sidaasna uu dhibku ku dhacay, waxa kale oo uu sheegay in baadhis la sameeyay lagu ogaaday in ciidanka Boolisku ee goobtaas ku sugnaa aysan wax xad gudub ah samaynin, waa siduu hadalka u dhigay Xuseen Qaasim Wasiisrka Madaxtooyada ee dowlad degaanka Soomaalida.

" Dadka xuquuqdiisa waala ilaaliyaa, wixii la kufsan jiray iyo wixii la dili jiray ma jiraan, laakiin markay dhacdooyin dhacaan waa in la baadho oo wixii kasoo baxa lagu kalsoonaado, waxaa jira kiisas markii la baadhay lagu helay inay Ciidamadda dowladdu gaysateen oo tallaabo laga qaaday ama Ciidanka Millitariga ha noqdaan ama Booliska degaanka Soomaalida ha noqdaan" ayuu yiri Wasiirku.

Ugu dambayn, Wasiirku waxa uu xusay inaysan jirin sabab loo laayo dad shacab ah oo aan waxba galabsan, balse mararka qaar ay dhacdooyin dhacaan baadhis la sameeyo oo ciddii lagu helo inuu dhacdadaas ku lug lahaa ama ka dambeeyo laga tallaabo qaado.