7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 28, 2023
Ciidamada dowladda oo isaga baxay deegaanka wabxo iyo Al-shabaab oo la wareegtay
 

Isniin, Agoosto, 28, 2023 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay Maanta dib ula wareegtay deegaanka wabxo.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab ay si nabad ah kula wareegeen gacan ku heynta deegaankaan, kadib markii ay saakay halkaasi isaga baxeen ciidamada dowladda Fedaraalka.

Maalmo kooban ka hor ayay aheyd markii ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay la wareegeen deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in ciidamada dowladda Fedaraalka ay baneeyaan deegaankaan oo dhawaan uun gacantooda soo galay, hayeeshee saraakiisha dowladda ayaa inta badan ku sheega sababaha ay uga soo baxaan deegaanada ay ka qabsadaan Ururka Al-shabaab xeelado la xariira istaraajiyad dagaal.

Qabshada Al-shabaab ee deegaanka Wabxo ayaa culeys kale ku noqoneysa ciidanka dowladda Soomaaliya ee dhawaan la wareegay degmada Ceelbuur, maadama Wabxo ay ka mid tahay deegaanada muhiimka u ah difaacida Ceelbuur.