7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 28, 2023
Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo Baarlamaanka u gudbisay Xisaab xirka maaliyadeed ee 2022
 

Isniin, Agoosto, 28, 2023 (HOL) - Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa maanta u gudbisay Golaha Shacabka Xisaab -xirka miisaaniyad sanadeedkii 2022.

Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda, Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku wareejiyay Xisaab-xirka Miisaaniyad sanadeedkii 2022-ka oo soo maray dhammaan hab-raacyadii sharciga ahaa.

Hanti-Dhowrka guud ee Dowladda, ayaa baaris maaliyadeed ku sameeyay xisaab-xirkaan oo la soo saaray bishii Abriil, 2023, waxaana natiijada baaritaanka lala wadaagay Baarlamaanka.

Wasaaradda maaliyadda ayaa sheegtay inay sii wadi doonto xoojinta nidaamyada isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta maamulka Guud ee maaliyadda iyo dowlad wanaagga.