7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 28, 2023
Wadahadallo ku saabsan wejigii labaad ee ka bixitaanka Atmis ee Soomaaliya oo bilowday

Isniin, Agoosto, 28, 2023 (HOL) - Saraakiisha sare ee Midowga Afrika, Soomaaliya, iyo Qaramada Midoobay ayaa billaabay kulamo wadatashi ah oo looga tashanayo wajiga labaad ee dhimista ciidamada ATMIS, bisha September, sida uu sheegay howlgalka Midowga Afrika.

Hawlgalka ku meel gaadhka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (Atmis) ayaa la filayaa in bisha soo socota ay dhimaan tirada ciidammadooda 3,000 oo dheeraad ah ka dib markii ay ku guulaysteen in ay kala baxaan 2,000 oo askari, oo ay sidoo kale Dowladda ku wareejiyeen lix saldhig oo milatari bishii June.

Mohammed El-Amine Souef, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa Atmis, ayaa sheegay in guddi farsamo oo isku dhaf ah oo ay xubno ka yihiin Atmis, dowladda, iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ay ku shirayaan naqshadaynta saldhigyada ciidan ee laga soo saari doono 3,000 oo askari.

"Maadaama aan wadno howlgalo dagaal oo firfircoon, qorshaynta dhimista waa in si wanaagsan loo waafajiyaa oo si habsami leh loo fuliyaa si guulihii la gaaray ilaa hadda aan khatar loo gelin," Souef ayaa ku yiri hadal uu ka soo saaray Muqdisho.

Intii uu socday kulanka ka dhacay Muqdisho, Souef waxa uu ku ammaanay QM iyo dowladda taageerada joogtada ah iyo wadashaqeynta ay la leeyihiin Atmis si loo xaqiijiyo guusha wejiga koowaad.

Madaxa UNSOS Aisa Kirabo Kacyira ayaa u sheegtay guddiga farsamada in ay tixgaliyaan cashiradii laga bartay wajigii 1aad, si loo xaqiijiyo guusha wejiga labaad.

"Qaramada Midoobay waxay hubin doontaa in qalabka iyo tas-hiilaadka kale ee lagu wareejiyay ciidamada ammaanka Soomaaliya marka ay ka baxaan ciidamada Atmis ay xaaladdoodu wanaagsan tahay, ciidamada Soomaaliyana ay awood u leeyihiin sidii ay u isticmaali lahaayeen," ayay tiri Kacyira.

Sida uu dhigayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2687 (2023), Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa looga baahan yahay inay sameeyaan qiimeyn farsamo dhammaadka Agoosto si ay u qiimeeyaan Wajiga Koowaad ee dhimista, ayna bixiyaan macluumaad dheeri ah marka la gaaro Sebtembar 15 oo ku saabsan diyaargarowga wejiga labaad.a

Hoos u dhigista ciidanka ATMIS, waxaa faraya Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2628 iyo 2670, kaasoo dhigaya in Atmis ay si tartiib tartiib ah ugu wareejiso mas'uuliyadda amniga ciidamada ammaanka Soomaaliya ka hor ka bixitaanka Soomaaliya 31-ka December, 2024-ka.