7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 28, 2023
Maamulka SSC-Khaatumo oo sheegay in Feysal Cabdi Bootaan la dhigay xabsiga, lana horgayndoono sharciga
 

Isniin, Agoosto, 28, 2023 (HOL) - Hoggaanka Maamulka SSC-Khaatumo ayaa sheegay in maxbuus Feysal Cabdi Bootaan ay la wareegeen laamaha amniga iyo cadaallada maamulka SSC-Khaatumo.

War-saxaafadeed ay soo saareen hoggaanka Khaatuma waxay ku sheegeen in Feysal Cabdi Bootaan la dhigay xabsiga dhexe ee magaalada Laascaanood.

Maamulka waxa uu sheegay in dhammaan maxaabiistii kale inta bad qabta la geeyey xabsiyada magaalada, kuwa dhawaaca ahna lagu daaweenayo cisbitaalada.

Hoggaanka Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu bulshada Soomaaliyeed iyo caalamka u sheegay in uu ilaalin doono xuquuqda maxaabiista sida ay qabaan diinta Islaamka, xeerarka dhaqanka Soomaaliyeed iyo qawaaniinta caalamiga ah.

Feysal Cali Bootaan ayaa ku eedeysan inuu masuul ka yahay madaafiicdii lagusoo garaacay magaalada Laascaanood, maadaama uu yahay taliyihii ugu sarreeyay ciidamada Somaliland ee aagga gobolka Sool.