7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 26, 2023
Faahfaahin ku saabsan weerarka Alshabaab ay ku qaadeen degaanka Cowsweyne

Sabti, Agoosto, 26, 2023 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxay sheegeen inay ku guuleysteen inay iska caabiyaan weerar ay Al-shabaab kusoo qaadeen deegaanka Cowswayne oo dhawaan laga saaray.

War lagu faafiyay warbaahinta ku hadasha afka Dowladda, ayaa lagu sheegay, iyagoo ciidamada helaya xogo sirdoo0n ah inay burburiyeen baabuur siday walxaha qarxa.

Dowladdu waxay sheegtay inuu dagaal culus weli ka socda Cowsane. Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay inay ku dhawaad 200 askari ku dishay weerarkan, ayna ku furteen hub iyo gaadiid.

Alshabaab waxay sheegeen inay cagta mariyeen saldhigga ciidanka dowladda ee Cowswayne, inkastoo aan la haynin warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashadooda.

Weerarka Alshabaab ayaa yimd, kadib markii ciidamada xoogga dalku ay xoreeyeen magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaas oo Alshabaab ay haysateen muddo 10 sano ah.

Dhawaan waxay dowladdu sheegtay in howlgalladeeda ay ku socdaan si xeeladaysan, si looga hortago in ciidamadu ay la kulmaan khasaare lamid ah kuwii horey u gaaray.