7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 23, 2023
Puntland: Dowladda federalku amaro ma siin karto shirkadaha isgaarsiinta Puntland
 

Arbaco, Agoosto, 23, 2023 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay in aysan waxba ka qusaynin go’aanka dowladda federaalka kasoo baxay, kaasoo lagu mamnuucay isticmaalka shabakadaha Tiktok, Telegram iyo 1XBET.

Wasirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in go’aaanda kasoo baxay Dowladda federalka ay yihiin go’aano aan qusaynin shirkadaha isgaarsiinta Puntland.

“Marka laga heshiiyo sharuucda iyo siyaasada, canshuuraha dalkana la mideeyo, baa shirkadaha state-ka ka howlgalla Dowladda federalku ay amaro siin kartaa, ” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Puntland.

Wasiirku wuxuu sheegay shirkadaha ka howlgalla Puntland inay amarka ka qaadanayaan maamulkooda. Wuxuu sheegay inay wadaan xeerka iyo siyaasada baraha bulshada ee Puntland. Wuxuu sheegay  in dhawaan golaha baarlamaanka la horgayndoono.

Waxa uu sheegay markii uu sharcigaas soo baxo in cid kaste oo si qaldan uga faaidaysata baraha bulshada ama xadgudub ku sameysa, lala xisaabtami doono. Wuxuu sheegay xeer la’aan in aan haatan loo ciqaabi karin cidna.

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa dhawaan waxay mamnuucday isticmaalka saddex shabakadood, kuwaas oo mamnuucidooda uu dhaqan galayo maalinta berri ah.

Lama oga siday ku dhaqan galidoonto joojintan, iyada oo adeegyada isgaarsiintu ay maamulaan shirkado gaar loo leeyahay oo qaarkood ka howlgalla degaano aysan ka talin Dowladda federalka Soomaaliya.