7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 23, 2023
Guddoomiye Xirsi: Anagu jabhad ma aaminsanin, cidkasta oo u tagtaana nama matasho
 

Arbaco, Agoosto, 23, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in anay taageersanayn, isla markaana aanu wax xidhiidh ahi ka dhaxaynin xisbigiisa iyo jabhada buurta Gacan-libaax.

Xirsi oo KFMedia waraysi ku siiyay magaalada London, ayaa ka jawaabay eedo ay dadka qaar kood usoo jeediyaan xisbigiisa, kadib markii ay soo baxday jabhada buurta Gacanlibaax, iyadoo lagu eedeeyo in xisbiga Waddani uu dablayda buurta saaray.

"Anagu jabhad ma aaminsanin, cidkasta oo tagtaa nama matasho, kama tirsanin, shaqo kuma lihin, iyaguna namay sheegan, markaa wax naga dhexeeyaa ma jiro" ayuu yidhi Guddoomiye Xirsi.

Waxa uu sheegay in habdhaqanka xukuumada Somaliland ay dadka ku kaliftay in ay cadhoodaan oo ay qoryo qaataan, isaga oo sheegay in booliisku xabad la dhacay dad bannaanbaxayaal ah oo siidhi afuufaya 11, August, 2022.

Lakiin waxa uu xusay in waxkasta oo ay xukuumadu samayso, aanu xalku ahayn in qori la qaato oo la dagaalamo, taasina anay dan u ahayn xisbiga Waddani, iyo rajada uu ka qabo in uu qabto hoggaanka Somaliland.

Xisbiga Waddani ayaa tiraba dhowr jeer iska fogeeyay eedaha ah in uu masuul ka yahay jabhada buurta dagan, waxayna sheegeen in ay ka qayb qaadanayaan dadaalkasta oo lagu qancinayo jabhada buurta dagan.