7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 23, 2023
Faahfaahin ku saabsan weeraro Alshabaab ay xalay ka geysteen degmada Kaxda
 

Arbaco, Agoosto, 23, 2023 (HOL) - Kooxda Alshabaab ayaa xalay saqdii dhexe abbaare 1:40 am, waxay weeraro xooggan ku qaadeen dhowr xarumo dowladeed oo kuyaala degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Goobaha ay weerareen kooxda Alshabaab ayaa waxay kala yihiin, Saldhiga Booliska, Xarunta Maamulka Degmada iyo laba goobood oo bar koontorool ah, kuwaas oo amniga laga sugo.

Sida aan wararka ku helayno, saddex askari oo katirsan ciidanka Dowladda ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen, qaar kalena ay ku dhaawacmeen weerarka Alshabaab ay ku qaadeen xarumaha ciidamada ee kuyaala Kaxda.

Mid kamid ah weerarada Alshabab oo lala beegsaday saldhigga degmada Kaxda ayaa ahaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay, Walow ciidamadu markii dambe ay dib ula wareegeen saldhigga, kadib markii ay kusoo qaadeen weerar rogaal celis ah.

Alshabaab ayaa sidoo kale qarax la beegsaday gaari ciidanku lahaayeen oo gurmad ah. sidoo kale waxay adeegsanayeen dhowr baasuuke oo ay ku dhufteen saldhiga kahor inta aysan bixin.

Weerarkan lagu qaaday saldhigga degmada Kaxda iyo xarumaha kale ee maamulka , ayaa yimid, xilli Dowladda Soomaaliya ay guulo waawayn ka gaartay dagaalka ka socda gobolka Galgaduud ee lagu xoraynayo degaanada kooxda gacanta ugu jiro ee gobolada dhexe.

Dowladda Soomaaliya waxay horey u sheegtay in Alshabaab ay isku dayayaan inay sameeyaan wax kaste oo ay ku doonayaan inay ku fashiliyaan howlgallada dib u xoraynta ee haatan socda.