7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 22, 2023
Booliiska oo ka warbixiyay weerar ismiidaamin ah oo lala eegtay xarunta nadaafadda gobolka Baanadir

Talaado, Agoosto, 22, 2023 (HOL) - Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Saddiiq Aadan Cali Doodishe ayaa sheegay hal qof oo katirsanaa shaqaalaha Dowladda hoose ee Xamar in uu ku geeriyooday weerar ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka booliiska waxa uu sheegay weerarka ismiidaaminta inuu ka dhacay xaruntii ay ku shaqaynaysay shirkadda nadaafadda gobolka Banaadir ee Ifo oo kutaal  Wardhiigley.

Afhayeenka Booliisku wuxuu sheegay, labo askari oo katirsan ciidanka booliiska inay ku dhaawacmeen weerarkan oo uu sheegay in loosoo adeegsaday gaari land Cruiser ah.

Sadiiq Doodishe wuxuu sheegay gaariga ismiidaaminta loo adeegsaday in lagusoo xiray waxyaabaha ka ilaaliya inay xabbaddu karto, taasoo u suurto galisay inuu xog kusoo dhaafo baro kantarool oo ay ciidamadu joogeen.

“Khawaarijtu Baabuurta way soo maduuf gareeyaan. Waxayna isku dayaan in xabbadda ciidamada geesiyaasha ah aysan gaarin qofka naftii halligaha ah. Khawaaristu waxay ujeeddadoodu tahay inay dadka maqliyaan qarax oo saxaafadda la galiyo, si ay u muujiyaan  weli inay shaqeynayaan,” ayuu yiri Afhayeen Doodishe.

Wuxuu sheegay Alshabaab inay ku jiraan isku daygii ugu dambeeyay oo ay ku doonayaan qaraxyo inay uga geystaan magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in gabi ahaanba kantaroolada uusan ka gudbi karin gaari aan la baarin.