7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 22, 2023
Madaxweynaha Golaha ICAO oo sheegay Soomaaliya inay tusaale u tahay horumarinta Duulista Rayidka
 

Talaado, Agoosto, 22, 2023 (HOL) - Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Fardowsa Cismaan Cigaal oo uu weheliyay Maareeyaha hay’adda Duulista, Axmed Macallin Xasan ayaa kulan magaalada Nairobi kula qaatay Madaxweynaha hay’adda duulista rayidka Adduunka (ICAO), Salvatore Sciacchitano, Xoghayaha Guud ee ICAO, Juan Carlos Salaza iyo Agaasimaha Xafiiska Horumarinta iyo Hirgelinta ICAO, Jorge Vargas.

Wada-hadalka labo geesoodka ah ayaa diirradda lagu saaray mashaariicda horumarinta ee hannaanka Duulista Rayidka Soomaaliyeed, guulaha laga gaaray farsamada iyo iskaashiga guud.

Maareeyaha hay’adda Duulista Rayidka, Axmed Macallin Xasan ayaa kulanka ku soo bandhigay warbixin la xiriirta guulaha ay dowladdu ka gaartay maamulka iyo la socodka hawada iyo sida ay uga go’antahay in la xoojiyo arrintaas.

Madaxweynaha Hay’adda Duulista Rayidka Adduunka (ICAO), Salvatore Sciacchitano ayaa dhankiisa boggaadiyay guulaha la gaaray , wuxuu si cad u sheegay inay Soomaaliya u arkaan tusaalaha horumar degdeg leh ee laga gaaro hannaanka Duulista Rayidka.

Salvatore Sciacchitano wuxuu ku dheeraaday xiriirka dheer ee uu la leeyahay Soomaaliya oo ka soo billaabanaya xilliga gumeystaha, isagoo caddeeyay inay ICAO labo-laabayso taageerrada iyo iskaashiga kala dhaxeeya Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay noogu diiwaangashantahay inay tusaale adduunka ugu tahay horumar si dhaqso leh looga gaaro nidaamka Duulista Rayidka.” ayuu yiri Madaxweynaha Golaha ICAO oo intaa ku daray “ Waxaan dooneyna doorashada Golaha ICAO ee dhacaysa 2025 inay Soomaaliya soo xaadirto si halkaa dunidda aan ugu soo bandhigno iyadoo ka soo gudubtay hubinta (Audit).”

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa uga mahadceliysay hoggaanka sare ee ICAO , dadaalladii iyo taageerradii ay siiyeen Soomaaliya ee lagu gaaray isbeddelka horumarka leh, iyadoo xaqiijisay inay dadaal ku bixin doonaan dhammeystirka hubin (Audit), sida ay Soomaaliya ugu gudbi lahayd iyo horumarinta dhinacyada mudnaanta leh.