7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 20, 2023
Dowladda Soomaaliya oo soo saartay amar lagu joojinayo isticmaalka TIKTOK, Telegram iyo 1XBET

Axad, Agoosto, 20, 2023 (HOL) - Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknooloojiyada ee xukuumadda Soomaaliya, ayaa maanta soo saartay amar lagu xirayo baraha internetka sida Tiktok, Telegram iyo 1XBET.

Wasaaraddu waxay sheegtay shabakada Qamaarka ee lagu magacaabo 1XBET, inay saameyn nololeed oo aad u xun ay ku yeelatay dhallinyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo qaarkood la sheegay inay naftooda ku waayeen.

Go’aankan dowladda kasoo baxay ayaa daba socday shir dhexmaray wasaaradda isgaarsiinta, hay’adda isgaarsiinta qaranka iyo shirkadaha ka shaqeeya isgaarsiinta. Shirkaas oo looga hadlayay badqabka Isgaarsiinta, ilaalinta amniga Internet-ka iyo baraha bulshada.

Wasaaradda isgaarsiintu waxay amar ku siisay shirkadaha bixiya adeegga isgaarsiinta, inay joojiyaan isticmaalka shabakadahan dowladdu mamnuucday, kuwaas oo qaarkood dowladdu ay sheegtay inay adeegsadaan kooxaha dowladda kasoo horjeeda sida Alshabaab.

Waxay wasaaraddu sheegtay ugu dambayn in shabakadahan hawada laga saaro taariikhdu markay tahay, khamiis, 24 August.