7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 20, 2023
Madaxweynaha Somaliland oo balan ku qaaday in ciidankiisu uu tagayo xadkii Ingiriisku dhigay
 

Axad, Agoosto, 20, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in ay ka go'antahay in ciidanka Somaliland gaadho xadkii uu Ingiriisku dhigay.

Madaxweynaha oo ka hadlayay shirweynaha xisbiga Kulmiye ee Burco ka socda, ayaa sheegay in Somaliland ciidan ahaan iyo siyaasad ahaanba ay ku difaacayaan, isla markaana ay diyaar u yihiin in la gaadho xadkii uu Ingiriisku dhigay.

"Somaliland ama mucaarad ahow ama muxaafad, waxa inoo balan ah in xadkii Ingiriisku dhigay aynu gaadhno, sida ayay xukuumadaha Somaliland ku shaqaynayaan" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay kusoo duushay gobol Somaliland ka mid ah, isla markaana ay is difaacayaan, dhinaca kale, Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa isna goordhawayd sheegay in ciidanka Somaliland anay fadhiyi doonin Goojacadde, oo ay go'aansadeen in ay xoog ku jabiyaan.

Hadaba, wararka ayaa sheegaya in uu galabta dagaal dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood, kaasi oo aan wali war buuxa laga hayn baaxadiisa, dagaalka Laascaanood ayaa hada soconaya muddo 8 billood ah.