7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 20, 2023
Mudaharaad loogasoo horjeedo xariga Gen. Sheegow oo Muqdisho ka dhacay

Axad, Agoosto, 20, 2023 (HOL) - Mudaharaad ballaaran oo loogasoo horjeeday xariga Dowladda u geysatay Axmed Cali Sheegow oo loo yaqaano Gen. Sheegow, ayaa maanta ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Kumanaan rayid ah oo ku hayb ah sarkaalka la xirtay, ayaa isugu soo baxay waddada KM4 iyo waddada Danwadaagta, iyagoo sharci darro ku tilmaamay xariga sarkaalka iyo habka ay ciidamada Dowladda ula dhaqmeen markii ay soo xirayeen.

Dadka mudaharaadayay ayaa waxay hakad galiyeen isku socodka dadka iyo gaadiidka, inkastoo markii dambe ciidamada dowladda oo adeegsanaya rasaas nool nool ay ku kala eryeen mudaharaadyaasha.

Qaar kamid ah oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen, in Gen. Sheegow uu sharci darro ku xiran yahay, loona adeegsaday hab qabiil. Waxay madaxweynaha ugu baaqeen inuu si degdeg ah xoriyadiisa ugu soo celiyo.

Mudaharaadyaashu waxay sheegeen inay sii wadayaan mudaharaadka illaa iyo inta lagasoo daynayo Sheegow.

Lama soo sheegin khasaare nafeed ah oo ka dhashay mudaharaadka, inkastoo dadka mudaharaadayay ay waxyeelo u geysteen waddooyinjka, iyagoo taayaro ku gubay.