7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 20, 2023
Madaxweyne Biixi: Kuma jirto dimuquraadiyada waa markaygii ee ha la i siiyo kursiga
 

Axad, Agoosto, 20, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xisbiyada mucaaradka ah u sheegay in ay la tartamaan ururada cusub, isaga oo sheegay in dadku ay xaq u wada leeyihiin in la doorto.

Madaxweynaha oo hadal ka jeedinayay shirwaynaha xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye oo maanta ka furmay magaalada Burco, ayaa sheegay in doorashooyinka loo raacayo sharciga.

"Sharcigu siduu dhigayo ayaanu u raacaynaa doorashooyinka, sharciga hadii laga leexdana dalku ma soconayo, xisbiyadii wakhtigii ayaa ka dhacay, mucaaradkana xisbiyo cusub ayaanu wada dhisnay oo baarlamaanka ayay kasoo ogolaadeen" ayuu yidhi Biixi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in nidaamka dimuquraadiga ahi aanu ahayn Tooko, ama sannadba aan qof loo dhiibayn talada, lakiin kursiga lagu tartamayo oo kolba cidii ay shacabku doortaan ay madax noqonayso.

"Kuma jirto dimuquraadiyada waa markaygii ee ha la ii dhiibo, ma jirto walaahi hadii markayga la isiin waayo xabad ayaan ku qaadanayaa, taa rag hore ayuu ugu waayay haku lug gu'in walaalow, qaranku taa kumuu heshiin, dastuurku muu keenin, iskuma quudhno, af-waayeel maaha" ayuu yidhi Biixi.

Mucaaradka iyo xukuumada Somaliland ayaa wali isku maan dhaafsan sida loo soo kala horaysiinayo doorashooyinka ururada iyo madaxtooyada, iyada oo ay dhawaan guddida doorashooyinku go'aamisay in doorashada ururadu soo horayso taasi oo mucaraadku ka biyo diidanyihiin.