7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 20, 2023
Puntland: Dowladda federalka Soomaaliya waxay kusoo koobantay Muqdisho
 

Axad, Agoosto, 20, 2023 (HOL) - Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay Dowladda federalka Soomaaliya inay kusoo koobantay magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta waxa uu sheegay inay Puntand nasiib darro u aragto in Dowladda federalku ku mashquulsan tahay arrimaha ka jira Muqdisho.

Wsiirku wuxuu sheegay, masuuliyiinta dowladda Soomaaliya in ay si cad uga aamuuseen dhibaatada ka jirta magaalada Laascaanood iyo sidii caalamka loogu baaqi lahaa in loo gurmado reer Laascaanood.

“Maxaa Dowladda Soomaaliyeed marti lagaga yahay in baaq caalami ah ay jeediso oo tiraahdo, Laascaanood Disastar (Musiibo) baa ka dhacday. Ma Soomaalinimaday kaligeed leedahay? Ma dowladnimaday Muqdisho leedahay,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Maxamuud Caydiid Dirir wuxuu sheegay maanta laga bilaabo in ay Dowladda federaalka u aqoonsan yihiin, dowlad goboleed ka jira Muqdisho. Waxaa kale oo uu sheegay in ay Muqdisho caasimad sii ahaan karin.

Hadalkan ayuu wasiirku sheegay kulan ku saabsanaa xuska maalinta caalamiga ah ee arrimaha bini’aadan-tinimada oo sanad kaste ku beegan 20 August.