7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 20, 2023
Dowladda Fedaraalka oo shaacisay iney fursad cusub sii neyso xubnaha Al-shabaab ee doonaya iney isa soo dhiibaan

Axad, Agoosto, 20, 2023 (HOL) - Xarunta Qaran ee ka hortaga iyo la dagaalanka fikradaha xagjirka ah Tubsan ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay fursad cusub oo dagaalamaaysha Al-shabaab ay kaga faa'ideysan karaan xeerka cafiska, iyagoo isku soo dhiibaya dowladda Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay xarunta qaran ee Tubsan ayaa lagu sheegay in dhamaan xubnaha kooxda Al-shabaab ee doonaya iney kasoo baxaan Al-shabaab, islamarkaana isku soo dhiibaan dowladda iney lasoo xiriiri karaan Nambaro gaar ah oo ay xarunta diyaarisay in lagu caawiyo.

"Argagixisadu kalama jecla inaad dhimato ama aad silic ku noolaato, waxay kuugu yeerayaan inaad daadiso dhiigga shacabka Soomaaliyeed oo 100% Muslim ah ama uu kaagu daatoo, taas oo adduun iyo aakhiro beel ah. Balse dowladdu waxau had iyo jeer diyaar u tahay inay kaa caawiso sidii aad nolol iyo mustaqbal fiican u heli laheyd. Haddaba kasoo laabo la jirka iyo fikradaha argagixisada oo ka faa'iideyso fursadda cafiska ee dowladda Soomaaliya kuu fidisay" ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay xarunta qaran ee Tubsan.

Bayaanka xarunta Tubsan ayaa sidoo kale lagu sheegay in xubnahii isku soo dhiiba dowladda ay heli doonaan fursado ay kaga mid noqon karaan buslahada caadiga ah, waxaana sidoo kale bayaanka loogu baaqay Waalidiinta Caruurtooda ku jiraan Al-shabaab iney la soo xariiraan xarunta, islamarkaana la dhowri xogta xubnaha isa soo dhiiba, waa sida lagu yiri bayaanka Tubsan kasoo baxay.

Hoos ka akhriso Bayaanka oo dhameystiran:-